Hadii aad mouseka dhinaca bidix heesta aad rabtid farta ku riixdid ama click ku sameyso, waxaa kuu soo baxaaya, sawirkaan.

Heesahaan hadii aad fiiriso ma laha meel ay ku taal soo deji ama Download This Song. Heesaha noocaan ahna ma loogu talo gelin in la soo dejiyo, laakin hadii aad hubiso qeybta loogu talo galay in heesaha laga soo dejiyo , waxaa kuu soo baxaaya meel ay ku qoran tahay "Soo deji Heestaan" ama "Download this Song" sida aad sawirka hose ku arki doontiin.
Qeybta u sameysan sidaan ama flash playerka sidaan oo kale oo naqshadeeyey waxaa loogu talo galay in heesaha laga dhageysanaayo la soo dejiyo. Hadii aad mouseka dhanka bidix ka riixdo waxaa kuu soo baxaaya shaashad ay ku qoran tahay.. Soo Deji Heestaan, markii aad riixdo halkaasna waxaa kuu soo baxaaya shaashad kale oo lagaaga codsanaayo in aad gal u sameyso heesta aad soo dejineyso. Dooro meesha aad gelineyso heestaasi.. Wala..! waana taas!
Heesahaan waa heeso tayo fiican eh oo loogu talo galay in lagu dhageysto ama la galiyo mobilada. Waxaan sameyn doonaa qeybo badan oo soo dejinta heesaha ah, sida heesaha jaceylka, heesaha kabanka ah, heesihii hore, heesaha banaadiriga ah iyo heeso kale oo faro badan.